Golaha Wakiillada

Fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, May 14, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah hor yimi Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Arrimaha Diinta, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka-sida iyo Dembiyada culus, iyagoo Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan arrimaha ๐‘ช๐’‚๐’…๐’‚๐’‚๐’๐’‚๐’…๐’…๐’‚, ๐‘ฎ๐’‚๐’“๐’”๐’๐’๐’“๐’Œ๐’‚, ๐‘ฟ๐’‚๐’ƒ๐’”๐’Š๐’š๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ด๐’‚๐’™๐’‚๐’‚๐’ƒ๐’Š๐’Š๐’”๐’•๐’‚.

Ugu horeyn, masโ€™uuliyiinta Guddiga hor-yimi ayaa Guddiga Joogtada ah la wadaagay warbixinno la xiriira Waajibaadka Dastuuriga ah ee ay u xilsaaran yihiin, waxaan xubnaha Guddiga Joogtada ahi suโ€™aalo ka weydiiyeen arrimaha ๐‘ช๐’‚๐’…๐’‚๐’‚๐’๐’‚๐’…๐’…๐’‚, ๐‘ฎ๐’‚๐’“๐’”๐’๐’๐’“๐’Œ๐’‚, ๐‘ฟ๐’‚๐’ƒ๐’”๐’Š๐’š๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ด๐’‚๐’™๐’‚๐’‚๐’ƒ๐’Š๐’Š๐’”๐’•๐’‚ ๐‘ท๐’–๐’๐’•๐’๐’‚๐’๐’…, iyagoo ka duulaya kormeer iyo kor-jogteyn ay ku tageen qaar kamid ah ๐‘ด๐’‚๐’™๐’Œ๐’‚๐’Ž๐’‚๐’…๐’‚๐’‰๐’‚, ๐‘บ๐’‚๐’๐’…๐’‰๐’Š๐’ˆ๐’š๐’‚๐’…๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ฟ๐’‚๐’ƒ๐’”๐’Š๐’š๐’‚๐’…๐’‚.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib, waxaa la isla qaatay in la xoojiyo wada shaqeynta hayโ€™adaha Caddaaladda, xaqiijinta helitaanka caddaalad loo dhan yahay, taas oo ku dhisan shareecadda islaamka, mabaadiida caalamiga ah, Dastuurka iyo Xeerarka kale ee dalka, tayeynta iyo kor-u-qaadista kartida iyo aqoonta masโ€™uuliyiinta iyo hawl-wadeenada hayโ€™adaha Caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka maxaabiista ku xiran xabsiyada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo fadhiga soo xiray ayaa masโ€™uuliyiinta kula dardaarmay hirgelinta qodobada fadhiga looga hadlay, isagoo balan-qaaday in ay si joogto ah kormeero iyo korjoogteyn ugu samayn doonaan Hayโ€™adaha Caddaaladda, kana jawaabidoonaan cabashooyinka ay la wadaageen guddiga, si loo xaqiiqjiyo helitaanka caddaalad loo dhan yahay oo ku dhisan sareynta sharciga.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Scroll to Top