Garoowe, May 25, 2024: Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Golaha Wakiilladda DPL Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Saalax ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasibadda Furitaanka Imtixaanka Shahaadiga ah oo uu si rasmi ah uga furmay Jamacada PSU Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdilaahi Deni iyadda oo sidoo kalena uu ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fu’ad Abshir Adeer.
Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Golaha Wakiilladda DPL Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Saalax ayaa Hambalyo iyo Boggaadin u diray Ardayda maanta u fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dawladda Puntland isaga oo Alle uga baryay inuu Imtixaanka u fududeeyo.
Maanta ayaa guud ahaan Dawladda Puntland looga fariistay Imtixaanka Shahaadiga sanad-dugsiyeedka 2023 ~2024 kaas oo ay ka qeyb-galayaan in ka badan 21,801 kuwaasoo kamid ah ay yihiin dugsiga sare fasalka 12-aad ilaa fasalka 8-aad.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland