Golaha Wakiillada

Guddiyada Golaha Wakiillada DPL.

Gaalkacyo: Xubno ka socda Guddiyada Golaha Wakiillada DPL oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug, ayaa kulan la qaatay Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacayo iyo Guddiga Horumarinta magaalada.

Xildhibaanada ayaa warbixin ka dhegaystay Xubnaha ka socday Golaha deegaanka iyo Guddiga Horumarinta Degmada iyaga oo ka warbixiyey waxqabadka Degmada, qorshayaasha hortebinta leh iyo Caqabadaha ka jira Degmada Gaalkacayo.

Ugu dambeyn, xubnaha ka socda Galaha Wakiillada ayaa kula dardaarmay in ay dardargeliyaan waajibaadka loo igmaday, xooggana saaraan adeeg bixinta shacabka, isla markaasna doorkooda ka qaataan sugidda Amniga iyo horumarina Degmada.

-Dhamaad.

Scroll to Top