Golaha Wakiillada

QAAR KA MID AH GUDDIYADA GOLAHA WAKIILLADA OO AQOON KORORSI UGA SOCDO NAIROBI.

Nairobi, May 30, 2024: Waxaa tababar aqoon kororsi ah uga furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya qaar ka mid ah Guddiyada Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland.

Aqoon-is-waydaarsigan waxaa ka qeyb-galay Xubnaha Guddiyada Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Amniga, Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska & Anshaxa iyo Arrimaha Golaha.

Sidoo kale, aqoon kororsiga waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada iyo Agaasimaha Xeerarka iyo Xeer-dejinta Golaha Wakiillada.

Aqoon kororsigan oo ujeedkiisu ahayd doorka iyo Waajibaadka Guddiyada, hannaanka Xeer-dejinta, ka qeyb-gelka dadweynaha, xoojinta matelaadda xildhibaannada, u qareemidda Caruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, dejinta qorsheyaal waxtar iyo wax ku ool u leh shaqada Golaha Wakiillada iyo xog is dhaafsi la xiriirka shaqada Baarlamaannada kale, waxaana aqoon kororsi bixinayey xildhibaannado ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya iyo khuburo dhanka Shuruucda ah .

Aqoon kororsigan oo muddo afar maalmood ah socday waxaa lagu lafa guray doodo wax ku ool ah, gaar ahaan xuquuqda caruurta iyo xeerarka la xidhidha iyo kor-joogtayntoodaba, iyadoo Xildhibaanadu la yeesheen doodo dhigooda Kenya iyo Madaxda Hay’adda Badbaadada Caruurta (Save the Children) sidii looga wada shaqayn lahaa hormarinta iyo xeerarka xuquuqda caruurta.

Ugu dambayn waxaa tababarkii guddiyada kala duwan iyo saraakiisha kale ee Golaha Wakillada ugu soo dhamaaday si guul ah, iyagoo uga mahadceliyey Hay’adda Badbaadada Caruurta(Save the Children) fududaynta iyo taaba-gelinta aqoon kororsigan.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top