Garoowe Juun 23, 2024.
Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL ayaa waxaa lagu dhaariyey Xildhibaan cusub Yaasiin Axmed Maxamuud Samatar oo baddeley Xildhibaan hore Alle ha u naxariistee Cali Axmed Maxamuud oo bishii hore ku geeriyooday shil gaari.
Xubin katirsan Maxkammada sare ayaa Xildhibaanka cusub dhaariyey kadib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha oo uu buuxiyey shuruudaha soo xulista Xildhibaannimo.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa Xildhibaanka kusoo dhaweeeyey Golaha Wakiillada, isagoo u rajeeyey inuu guto waajibaadka ku qoran Dastuurka iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada.
-DHAMMAAD-