·
Garoowe: June 25, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Hon Mohamed Baarri Shire iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL.
Ajanadaha kulanka oo ahaa soo gaba-gabeynta dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinnadii u dambeeyey ka jeediyey Golaha 2 Guddi oo kala ah:-
1. Guddiga Arrimaha bulshada, dhaqanka, warfaafinta & isgaarsiinta Golaha Wakiillada
2. Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada.
Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog-ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin.
-DHAMMAAD-