Ceeldaahir Luulyo 14, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Mohamed Baarri Shire iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa booqday Deegaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari.
Halkaas oo ay kulan kula qaateen qaybaha Bulshada iyo waxgaradka Deegaanka, iyagoo ka xog wareystay baahiyaha jira iyo waxyaabaha qabsoomay, iyadoo sidoo kalena weftigu ay dhagax dhigeen Guriga haweenka Deegaanka.
Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka ayaa kormeer ku tegay mashruuca wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo ah mashruuca weyn ee sida iskutashiga ah ay ku wadaan Shacabka iyo Dawladda Puntland, Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta gacanta ku haysa mashruucaasi.
Dhanka kale weftiga Guddoomiye Baari ayaa booqday halka uu ka socdo suuqa Magaalada Ceeldaahir iyo Dugsiga sare ee Deegaanka.
Booqashada Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada ee Deegaanka Ceeldaahir waxaa ku wehliyey Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
-DHAMMAAD-