Golaha Wakiillada

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ayaa shir Guddoomiyey kulan looga hadlay Xoojinta Amniga Gobolka Mudug.

Gaalkacyo, Agoosto 20, 2024: Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey kulan looga hadlayey Xoojinta Amniga Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.

Shirka oo ka qabsoomay madaxtooyada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Guddoomiyaha Gobolka, Duqa Gaalkacyo iyo Saraakiisha heer Gobol.

Mas’uuliyiinta kala duwan ee Dawladda ayaa maalmihii Magaalada Gaalkacyo ka wada shaqooyin dib-u-eegis Howlaha Gobolka Mudug.

DHAMMAAD

Scroll to Top