Golaha Wakiillada

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Golaha Wakiillada iyo wefti uu hoggaaminayo oo lakulmay bulshada degmada buursaalax.

Bursaalax, Agoosto 29, 2024: Weftiga Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta gaaray Degmada Bursaalax, iyagoona kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Odoyaasha, Nabadoonnada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Xildhibaanada la doortay ee Golaha Deegaanka Degmadaasi.

Kulanka dhexmaray weftiga ka socda Dawladda Puntland & Bulshada Bursaalax ayaa looga hadlay dhismaha Golaha Deegaanka Magaaladaasi, iyadoo lasoo bandhigay caqabadaha jira islamarkaana ay tahay in laga gudbo.

Socdaalka Guddoomiye Awoowe ee Degmada Bursaalax ayaa waxaa ku wehliyey Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro kamid ah Xukuummada waxaa soo dhaweeyey qaybaha kala duwan ee Bulshada Bursaalax iyo Xildhibaanada la doortay ee Golaha Deegaanka.

DHAMMAAD.

Scroll to Top