Kormeer Shaqo ee Guddiga Arrimaha Bulshada oo ka tirsan Goleyaasha Dawladda Puntland.
Boosaaso, Oktoobar 02, 2024 – Guddiga Arrimaha Bulshada ee ka tirsan wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland, oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Golaha Xukuumadda, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Boosaaso.
Xarumaha la kormeeray waxaa ka mid ahaa Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Bari, Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH), Isbitaalka Weyn ee Boosaaso, Shirkadda Biyaha ee GUMCO, Xarunta Wakaaladda Horumarinta Biyaha ee Gobolka Bari, iyo Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Bari.
Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd qiimeynta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka, biyaha, iyo waxbarashada ee magaalada Boosaaso. Wafdigu waxay kulammo la yeesheen mas’uuliyiinta xarumahaas, iyagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda adeegyada ay bixiyaan iyo caqabadaha ka jira, si loo dardargeliyo qorshayaasha lagu hagaajinayo adeegyadaas.
Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Bari, wafdigu waxay kula kulmeen madaxda caafimaadka gobolka si ay u qiimeeyaan adeegyada caafimaadka iyo sida loo horumarin karo adeegyada bulshada loogu talagalay, gaar ahaan kuwa ka faa’iideysta adeegyada caafimaadka ee heer gobol.
Isbitaalka Weyn ee Boosaaso, guddigu waxay si gaar ah u booqdeen qaybta daryeelka degdegga ah ee ICU, oo ah halka lagu baxnaaniyo bukaanada xaaladaha halista ah, gaar ahaan kuwa u baahan mashiinnada neefta. Sidoo kale, waxay kormeereen qaybta lagu dhaqo bukaannada kelyaha xanuunsan, taas oo muhiimad weyn u leh bulshada ku nool Boosaaso iyo nawaaxigeeda.
Intii uu socday kormeerka, wafdigu waxa ay aad ugu bogaadiyeen shaqaalaha caafimaadka dadaalka dheeraadka ah ee ay ku bixiyaan daryeelka bukaannada, waxayna ballanqaadeen in Dowladda Puntland ay sii wadi doonto taageerada lagu xoojinayo tayada iyo qalabka caafimaadka.
Shirkadda Biyaha ee GUMCO, wafdigu waxay la kulmeen madaxda shirkadda iyagoo kala hadlay horumarinta iyo ballaarinta adeegyada biyaha si magaalada iyo nawaaxigeedu ay u helaan biyo ku filan oo nadiif ah. Waxaa la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya shirkadda iyo hay’adaha dowladda si loo gaaro isbeddel waara oo ku saabsan adeegyada biyaha.
Sidoo kale, wafdigu waxay booqdeen Xarunta Wakaaladda Horumarinta Biyaha ee Gobolka Bari, halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiinta wakaaladda si ay ugala hadlaan dadaallada socda ee lagu horumarinayo bixinta adeegyada biyaha. Wafdigu waxay bogaadiyeen tallaabooyinka la qaaday ee lagu ballaarinayo adeegyada biyaha si bulshada gobolka ay ugu helaan biyo nadiif ah oo ku filan.
Booqashada Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Bari waxay ku saabsaneyd kor u qaadidda adeegyada waxbarashada iyo sidii loo dardargelin lahaa qorsheyaasha tayeynta waxbarashada gobolka. Wafdigu waxay la kulmeen madaxda wasaaradda oo ay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha waxbarashada iyo horumarinta dugsiyada.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaalka wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland, kaas oo diiradda saaraya qiimeynta iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada Puntland.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland