GAROOWE, Oktoobar 15, 2024 – Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee loo xilsaaray kormeerka iyo u kuurgelidda xaaladda guud ee Gobolka Nugaal ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qeybta Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Nugaal iyo Saldhiga Bartamaha ee caasimadda Garoowe.
Ujeedka booqashadan ayaa ahayd qiimeynta iyo xoojinta dadaallada amniga ee ka socda gobolka, gaar ahaan caasimadda Garoowe. Guddiga ayaa la kulmay saraakiisha sare ee booliska, iyagoo ka warbixiyay xaaladda amniga, caqabadaha haysta ciidanka booliska, iyo qorshayaasha lagu adkeynayo sugidda nabadgelyada gobolka. Mas’uuliyiinta ciidanka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan hawlgalada socda iyo baahiyaha muhiimka ah ee lagu horumarin karo tayada shaqada ciidanka booliska, gaar ahaan qalabka iyo tababarada.
Guddiga ayaa ammaanay shaqada ciidamada booliska ee suurtogelisay xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee gobolka, iyagoo ballan qaaday in Golaha Wakiilladu uu sii wadi doono taageerada uu u fidinayo ciidamada, si loo xaqiijiyo in amniga iyo kala dambeyntu si joogto ah u sii hagaagaan.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland