GAROOWE, OCTOBER 19, 2024 – Guddiga Amniga & Nabadgelyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta ka qeyb-galay Shirka Daah-furka xakameynta hubta, waxaana shirkaasi lagu qabtay Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland.
Shirka waxaa ka qeyb galay xubno ka socda laamaha amniga, maxkamaddaha, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, iyo Duqa Degmadda Garoowe.
Ujeedada shirka ayaa ah in la xoojiyo xakameynta hubka si loo ilaaliyo amniga bulshada.
Xildhibaan Mohamed Mursal Mohamed , oo ka mid ah Guddiga Amniga & Nabadgelyada Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in muhiimad weyn ay leedahay in la sameeyo nidaam waara oo lagu maareeyo hubka, iyadoo Golaha Wakiilladuna diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan Wasaaradda Amniga.
Intii lagu guda jiray shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay qodobo muhiim ah, sida sharciyeynta hubka, kormeerka amniga, iyo ka qeybgalka bulshada.
Shirka ayaa ku baaqay in la sameeyo nidaamyo waxtar leh oo lagu xakameeyo hubka, isla markaana la dhiirrigeliyo wacyigelinta bulshada.Shirku wuxuu muujiyay baahida loo qabo in Puntland ay hesho nidaam cad oo xakameynaya hubka, taas oo gacan ka geysan doonta xasiloonida gobolka iyo amniga.
Guddiga Amniga & Nabadgelyada ayaa tilmaamay in dadaalladaasi ay muhiim u yihiin mustaqbal ifaya oo ammaan ah.-
DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland