Golaha Wakiillada

Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, October 22, 2024: Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), xafiiska Puntland ee Garoowe.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa korjoogteynta shaqooyinka muhiimka ah ee laanta iyo sidii loo xaqiijin lahaa in adeegyada socdaalka iyo jinsiyadaha ay u socdaan si waafaqsan shuruucda dalka, ayna daboolayaan baahiyaha shacabka. Guddiga ayaa la kulmay maamulka iyo shaqaalaha xafiiska, waxayna ka dhegaysteen warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan shaqada socota, horumarka la sameeyay, iyo caqabadaha jira.

Guddigu wuxuu si gaar ah u dar-daarmay shaqaalaha xafiiska in ay sii xoojiyaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo in adeegyada laanta ay noqdaan kuwo hufan oo la jaanqaadaya shuruucda iyo hab-raacyada loo dejiyey. Maamulka iyo shaqaalaha laanta ayaa dhinacooda soo bandhigay waxqabadkooda, iyagoo si buuxda ula wadaagay Guddiga warbixinnadii ay diyaariyeen.

Intii ay kormeerka ku jireen, Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay mas’uuliyiinta laanta shaqooyinka ay qabtaan iyo hannaanka wada shaqeynta ee hay’adaha kale ee Dawladda.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii adkeeyo wada shaqeynta u dhaxeysa Laanta Socdaalka iyo JinsiyadahaJFS iyo Dawladda Puntland, si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka dalka.

Kormeerka Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu hubinayo tayada adeegyada muhiimka ah ee Dawladda iyo in laanta ay si hagar la’aan ah ugu adeegto bulshada Soomaaliyeed.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top