Golaha Wakiillada

FURITAANKA KAL-FADHIGA 55-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND: MADAXWEYNE SICIID CABDULLAHI DENI OO JEEDIYAY KHUDBAD DASTUURI AH.

Garoowe October 24, 2024 –Furitaanka Kal-fadhiga 55-aad waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka DPL Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilladda Mudane, Maxamed Baarri Shire, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Xubno kamid ah laba Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukumadda, Golaha Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Duqa Degmada Garoowe, Isimo, Cullimo, Hay’adaha Caalamiga ah, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah, Saraakiisha Ciidamada, Hawl-wadeennada Madaxtooyada, iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray waxqabadka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada Metelaadda, Xeer-dejinta, Korjoogtaynta hay’adaha Dawladda iyo kobcinta Awoodda Xafiis ee Golaha Wakiillada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyay Kalfadhiga furay ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada, isagoona si rasmi ah u furay Kalfadhiga sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Scroll to Top