Garoowe, Nofeembar 4, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga waxaa looga hadlay warbixinta kormeeradii ay Golaha Wakiilladu ku tageen gobollada Puntland intii u dhaxeysay labada Kalfadhi ee 54-aad iyo 55-aad.
Warbixintan ayaa diiradda lagu saaray xog-ururin iyo xaqiijinta wada-shaqeynta lagu horumarinayo adeegyada muhiimka ah ee bulshada, iyadoo si gaar ah looga hadlay caqabadaha iyo baahiyaha ka jira gobollada ay booqdeen xildhibaanadu.
Kormeerka
Golaha Wakiillada ayaa kormeer ku tagay gobollada Hayland, Sanaag, Mudug, iyo Nugaal. Warbixinada gobollada Karkaar, Raascasayr, iyo Bari ayaa la soo jeedin doonaa berri, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Kormeerkan waxaa lagu qiimeeyey xaaladda adeegyada muhiimka ah ee bulshada, sida waxbarashada, biyaha, caafimaadka, iyo nabadgelyada, iyadoo xogaha la helay ay ka tarjumayaan baahida loo qabo in adeegyadaasi la tayeyso.
Arrimaha Bulshada
Goluhu wuxuu muhiimad gaar ah siiyay arrimaha bulshada, gaar ahaan horumarinta waxbarashada, helitaanka biyo nadiif ah, tayeynta caafimaadka, iyo sugidda nabadgelyada. Arrimaha bulshada ayaa ah kuwo muhiim ah oo laf-dhabar u ah horumarinta nolosha shacabka, waxaana Golaha Wakiilladu ku adkeystay inay si dhow ula socdaan hirgelinta adeegyadaas.
Arrimaha Garsoorka
Golaha Wakiilladu waxay sidoo kale ka hadleen arrimaha garsoorka, iyagoo ka warbixiyey baahida loo qabo in la xoojiyo hufnaanta iyo dhexdhexaadnimada garsoorka si loo xaqiijiyo cadaalad ay ku kalsoon yihiin shacabka Puntland. Fadhiga ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la taageero hay’adaha garsoorka, loona helo nidaam caddaalad ku dhisan oo awood u leh inuu wax ka qabto cabashooyinka shacabka.
Arrimaha Kaabayaasha Dhaqaalaha
Golaha Wakiilladu waxay mudnaan gaar ah siiyeen arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan horumarinta waddooyinka isku xira gobollada iyo dayactirka kaabayaasha kale ee muhiimka u ah isu-socodka iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxaa la isla gartay in baahi weyn loo qabo maalgelinta iyo daryeelka kaabayaasha si loo xoojiyo dhaqaalaha gudaha iyo ganacsiga Puntland.
Waajibaadka Golaha Wakiillada
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa fadhiga ku xaqiijiyey inay ka go’an tahay sii wadista la socodka iyo kormeerka adeegyada muhiimka ah, taas oo qayb ka ah waajibaadka loo doortay xildhibaanada Golaha Wakiillada. Masuuliyiinta Baarlamaanka Puntland waxay sii wadi doonaan howshooda ku aaddan daryeelka iyo dabagalka adeegyada bulshada, horumarinta garsoorka, iyo xaqiijinta in kaabayaasha dhaqaale ee gobolka si siman loo gaarsiiyo shacabka Puntland.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland