Golaha Wakiillada

Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

  · 

Garoowe, Nofeembar 10, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Ajendaha kulankan ayaa ahaa ka doodista iyo ansixinta Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland, oo ay Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada ku sameeyeen isbeddel & kaabis.

Guddigu waxa uu maanta Golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerka, si loo turxaan bixiyo una waafajiyo Dastuurka iyo sharciyada Puntland.

Fadhiga maanta oo xildhibaannadu ku lafagureen xeerka, ayaa waxa si gaar ah loogu falanqeeyey qodobada muhiimka ah ee wax laga beddelay iyo kuwa cusub ee lagu soo kordhiyey xeerka.

Guddigu, isaga oo ku salaynaya Qodobka 58.5-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada iyo Qodobka 64.1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, ayaa dib u eegis iyo kaabis ku sameeyey xeerkan, ka dibna wuxuu soo gudbiyey akhrinta saddexaad ee fadhigan.

Guddiga ayaa intii uu diyaarinayey soo jeedinta, talo iyo tusaale ka helay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland, Ururka Qareennada, iyo hay’ado kale oo muhiim ah oo ay khusayso arrimaha sharci. Sidoo kale, waxaa la barbar dhigay xeerarka dalalka dariska ah si loo hubiyo waafaqsanaanta iyo tayada xeerka.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa caddeeyey in dood iyo falanqayn dheer ka dib la sameeyey wax-ka-beddel iyo kaabis ay ku jiraan:

14 qodob oo la tiray ama laga saaray xeerka.

4 qodob oo cusub oo lagu soo kordhiyey.

28 qodob oo wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa ka dooday isbeddelada lagu sameeyey xeerka, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la horumariyo nidaamka caddaaladda Puntland, si loo helo nidaam sharci oo la isku halleyn karo.

Xeerka Qareennada Puntland oo ah xeer muhiim u ah shaqada qareennada, ayaa loogu talagalay in uu xoojiyo ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadka, isagoo siinaya qareennada awood ay si madaxbannaan ugu shaqeeyaan.

Dooda la xiriirta Wax-ka-bedelka Xeerka Qareennada Puntland ayaa sii socon doonta maalmaha soo socda Haddii Alle idmo.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top