Golaha Wakiillada

Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada

Garowe, Nofembar 17, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada, kaas oo lagu la xisaabtay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland.

Fadhiga oo diiradda lagu saaray waxqabadka iyo waajibaadka Wasaaradda, ayaa waxaa hortimid Wasiirka Wasaaradda, Marwo Ubax Cabdirashiid, Wasiir Ku-xigeenka Axmed Siciid Qaloonbi, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda, oo ay ku jiraan Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha.

Ugu horayn, Wasiirka ayaa Golaha ka hor akhrisay warbixin ka hadlaysa Wasaaradda, shaqooyinka ay qabteen.

Intaa kadib,Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan sida ay uga jawaabtay xaaladaha masiibooyinka ee ka dhacay Puntland, sida fatahaadaha iyo abaaraha, Tallaabooyinka loo qaaday ka hortagga masiibooyinka iyo diyaarinta adeegyo degdeg ah oo wax-ku-ool ah.

Iskaashiga iyo Hufnaanta: Habka ay Wasaaraddu ula shaqeyso hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, iyo sidii loo xaqiijin lahaa hufnaanta maamulidda miisaaniyadda.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Marwo Ubax Cabdirashiid, ayaa uga jawaabtay su’aalaha Golaha, iyadoo soo bandhigtay waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo qorshooyinka lagu xoojinayo waxtarka adeegyada ay bulshada u qabato.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda dadaallada ay ku bixinayso adeegyada gargaarka, isaga oo ku adkeeyey muhiimadda isla xisaabtanka iyo hufnaanta shaqo ee hay’adaha Xukuumadda.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Golaha Wakiillada ee lagu xoojinayo isla xisaabtanka iyo hubinta waxtarka adeegyada loo fidiyo bulshada Puntland.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top