Golaha Wakiillada

LA XISAABTANKA WASAARADDA DEKEDAHA IYO GAADIIDKA BADDA DAWLADDA PUNTLAND

Garowe, Nofeembar 24, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisak Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad, Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Fadhigan ayaa lagu lafa-guray la xisaabtanka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Puntland.

Intii uu socday fadhigu, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Puntland Mudane, Shaakir Maxamed Guulleed, Wasiir Ku-xigeenka, Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud, iyo saraakiisha kale, ayaa Golaha u soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadka wasaaradda, horumarka laga sameeyay adeegyada dekedaha, iyo caqabadaha haysta hawlgalka wasaaradda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa sheegay in fadhigan uu qayb ka yahay nidaamka isla xisaabtanka hay’adaha Dawladda, si loo hubiyo in waajibaadka ay u xilsaaran tahay, qorshayaasha iyo baahiyaha iyo caqabadaha jira sidii wax looga qaban karo.

Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ayaa sharaxaad ka bixiyey dadaallada joogtada ah ee wasaaradda, kuwaas oo lagu xoojinayo adeegsiga dekedaha Puntland, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo kaabeyaasha gaadiidka badda. Waxaa sidoo kale laga hadlay caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyay madaxda wasaaradda arrimaha la xiriira waxqabadka iyo qorsheyaasha mustaqbalka. Golaha ayaa ku bogaadiyey wasaaradda horumarka la gaaray, iyadoo loo soo jeediyey talooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo hawlaha mustaqbalka.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top