Golaha Wakiillada

SHIR LOOGA HADLAY NAFAQADA IYO WAX-SOOSAARKA OO KA QABSOOMAY GOLAHA WAKIILLADA.

Garoowe, December 31, 2024 – Kulanka Isku-Duwidda ee La Xiriira Ka-Qaybgalka Baarlamaanka ee Dhaqdhaqaaqa Kor u Qaadista Nafaqada Puntland (SUN) ayaa maanta ka dhacay aqalka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Kulankan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa wax-soosaarka gudaha iyo yareynta nafaqo-darrada, waxaana kasoo qaybgalay xubno ka tirsan Guddiyada Golaha Wakiillada.

Shirku wuxuu xooga saaray doorka muhiimka ah ee Golaha Wakiillada ee dejinta siyaasadaha iyo sharciyada ka turjumaya baahiyaha bulshada, gaar ahaan kuwa la xiriira nafaqada iyo wax-soosaarka. Waxaa sidoo kale la isla gartay in la xoojiyo wada shaqeynta dowladda, hay’adaha caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo horumar waara.

Guddoomiyaha Kuxigeenka Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Xildhibaan Axmed Bille Siciid, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame, ayaa bogaadiyey dadaallada socda ee lagu horumarinayo wax-soosaarka gudaha iyo yareynta nafaqo-darrada. Waxay sidoo kale sheegeen in Golaha Wakiillada uu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato hirgelinta qorshayaasha dowladda ee la xiriira arrimahan.

Ugu dambeyn, xubnaha guddiyada Golaha Wakiillada ayaa ballanqaaday inay taageeri doonaan dadaallada iyo juhdiga lagu horumarinayo nafaqada iyo wax-soosaarka gudaha, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan sameynta sharciyo taageeraya horumarkan.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top