Boosaaso, February 21, 2025 – Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, oo maalmahan howlo shaqo u jooga magaalada Boosaaso, ayaa kormeer ku tagay Dekadda Boosaaso si ay ugu kuur-galaan habsami u socodka shaqooyinka ka socda.
Intii uu socday kormeerka, Guddigu waxa ay warbixinno ka dhageysteen Maareeyaha Dekadda, Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Dekadda, iyo saraakiisha amniga. Waxay si gaar ah diiradda u saareen qaabka dakhliga loo ururiyo, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha horumarineed ee la xiriira dekadda.
Guddiga ayaa masuuliyiinta su’aalo ka weydiiyey arrimahaas, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dakhliga dekadda loo aruuriyo si hufan oo waafaqsan nidaamka maamul wanaagga.
Kormeerkan shaqo ayaa qeyb ka ah waajibaadka Guddiyada Golaha Wakiillada Puntland, sida uu farayo Qodobka 64aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

