Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta kulan la qaatay dhallinyarada Gobolka Bari.

Boosaaso, February 22, 2025 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta kulan la qaatay dhallinyarada Gobolka Bari, kaas oo looga hadlay doorka dhallinyarada ee halganka, garab istaagga Ciidanka, iyo amniga guud ee Puntland.

Guddoomiyaha ayaa mid mid u dhageystay talooyinka dhallinyarada ee la xiriira amniga, doorkooda ku aaddan nabadgelyada, iyo horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, ciyaaraha, farsamada gacanta, iyo shaqo abuurka dhallinyarada Gobolka Bari.

“Dhallinyaradu waa laf-dhabarta Puntland, waana hoggaamiyeyaasha maanta. Waa in la xoojiyo kaalintooda, loo abuuro fursado shaqo iyo horumarin, si ay gacan uga geystaan dhismaha Dowladnimo, nabadda, iyo amniga Puntland.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdrisaaq Axmed Siciid.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in dhallinyaradu door weyn ka qaataan sugidda amniga, la dagaallanka xagjirnimada, iyo xoojinta wadajirka bulshada. Wuxuu ballan qaaday in talooyinkooda la tixgelin doono, lana xoojin doono dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo amniga.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top