Golaha Wakiillada

Fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, April 28, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Fadhiga maanta Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka siiyey guddiga joogtada ah safar uu ku tagey magaalada Nairobi, halkaasoo uu kulamo kula yeeshay siyaasiyiinta iyo hay’adaha taageera Baarlamaannada Kulamadaas oo ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad.

Intaas kadib, madax-gudiyeedyada Golaha Wakiillada ayaa looga dhegeystey warbixinno ku saabsan waxqabadyada guddiyada ee la xiriira Bulshadda, Xuquuqada Aadanaha, Arrimaha Deegaanka, Nabadeynta, Amniga, Caddaaladda, dhaqaalaha iyo qorsheyaasha ay gacanta ku hayaan.

Intii kulanku uu socdey waxaa lagu soo bandhigay xeerarka guddiyadu ay gacanta ku hayaan kuwasoo u bahaan in la dhammaystiro ka hor fadhiga bisha Juun, 2025, iyadoo latashi lagala samaynayo daneeyayasha kala duwan ee xeerarka, waxayna ka yihiin

1. Hindise-Xeereedka Maamulka Dakhliga Dawladda Puntland.

2. Hindise-Xeereedka Bangiga Dawladda iyo Hay’adaha Maaliyadda Puntland.

3. Wax-ka-baddelka xeerka Tayo dhawrka Badeecadaha.

4. Wax-ka-baddelka Xeerka Xabsiyada Puntland.

5. Wax-ka-baddelka Xeerka Hab-maamuuska Dawladda Puntland.

Dhinaca kale, waxaa guddiga joogtada ah lala wadaagay xeerarka goluhu go’aamiyey in wax-ka-baddel lagu sameeyo ee loo gudbiyey hay’adaha ay khuseeyaan, kuwasoo u baahan in guddiyadu dabagal ku sameeyaan, meesha ay marayaan iyo shaqada laga qabtey.

Ugu dambayn, waxaa guddigu ka doodey go’aanna ka gaarey qorshaha kormeerka gobollada iyo degmooyinka Puntland iyo u diyaargarowga kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada iyo sidii guddiyadu ay doorkooda uga qaadan lahaaweeyn.

DHAMMAAD –

Wixii faah-faahin ah kala xiriir:

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top