Boosaaso, Abriil 28, 2025 –Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Maxamed Baarri Shire, ayaa si rasmi ah u daah furay shir ballaaran oo lagu mideynayay Bahda Caddaaladda Puntland iyo hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka howlgala gobolka.
Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’adaha garsoorka, amniga iyo caddaaladda Puntland, oo ay ka mid yihiin maxkamadaha, Maxkamadda Ciidamada, Booliska, Asluubta, culimada, garsoorka dhaqameed, iyo madaxda maamulka gobolka Bari iyo degmada Boosaaso.
Ujeeddada shirka ayaa ahayd in kor loo qaado iskaashiga hay’adaha caddaaladda, la dardargeliyo adeegyada garsoorka ee degmooyinka gobolka, lana xoojiyo kalsoonida iyo wadashaqeynta ka dhaxaysa dowladda Puntland iyo bulshada rayidka ah.
Mudane Guddoomiye Maxamed Baarri Shire ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay kobcinta adeegyada caddaaladda, isla markaana uu wax weyn ka tarayo adkeynta nidaamka garsoorka. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Puntland ka go’an tahay in la helo nidaam caddaaladeed oo hufan oo ku dhisan cadaalad iyo daahfurnaan.
– DHAMMAAD


