Garoowe, 6-da Maajo 2025* – Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee loo xilsaaray u kuurgelidda xaaladda maxaabiista ayaa maanta booqasho shaqo ku tegey Xabsiga Dhexe ee Garoowe.
Xubnaha Guddiga ayaa kulan la yeeshay saraakiisha xabsiga iyo qaar ka mid ah maxaabiista, iyagoo ka xog-wareystay xaaladahooda nololeed, adeegyada ay helaan, iyo tabashooyinka ay qabaan.
Xildhibaannada kormeerka sameeyay ayaa kala ahaa Xildhibaan Maxamuud Dhakuul Xirsi, Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, iyo Xildhibaan Mowliid Abokor Caafi, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.
Labada Xildhibaan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda maxaabiista iyo horumarinta adeegyada ka jira xabsiga.
DHAMMAAD –


