Garoowe, 14-ka Maajo 2025 — Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray , wax-ka-beddelka Xeerka Tayodhawrka Badeecadaha Puntland, iyadoo Guddigu uu ka duulayo waajibaadyada shaqo ee uu u xilsaaran yahay.
Intii uu socday kulanka, Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda weydiiyey su’aalo la xiriira wax-ka-beddelka Xeerka Tayodhawrka Badeecadaha Puntland, si loo hubiyo in xeerkaasi uu waafaqsan yahay baahiyaha ganacsiga iyo ilaalinta tayada badeecadaha.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa dhankooda faahfaahin ka bixiyey dhammaan su’aalihii la weydiiyey, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay in la helo xeerar casri ah oo kor u qaada tayada badeecadaha Puntland.
Kulamadan ayaa qayb ka ah dardargelinta xeerarka kala duwan ee horyaala Golaha, si loogu diyaariyo in la horgeeyo fadhiyada soo socda ee Golaha Wakiillada.
-DHAMMAAD-



