Gaalkacyo, 24 May 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Mudug ayaa caawa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee gobolka.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Mudug, maamulka degmada, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan xildhibaannada, kuwaas oo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo tabashooyinkii lasoo jeediyay.
Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, is-dhexgalka shacabka iyo wakiilladooda, iyo weliba in la helo aragtiyo iyo talooyin toos ah oo ka imaanaya shacabka – kuwaas oo wax ka tari kara hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka kale ee Golaha.
DHAMMAAD –


