Gaalkacyo, 26 May 2025 -Guddiga Golaha Wakiilada Dowlada Puntland ee safarka Shaqo ku jooga Gobolka Mudug, ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Amniga Gobolka Mudug.
Shirka ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga Nabadgelyada Gobolka, taasoo la xiriirta xaalada Amniga Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo, iyadoo Xildhibaannadu ay su’aalo ay ka weydiiyeen Mas’uuliyiinta arrimaha ay ka hadleen.
Shirka ayaa waxaa Xildhibaannada kala ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Mudug, ku-xigeenkiisa, Guddoomiyaha Maxakmadda Racfaanka, ku-simaha Duqa Gaalkacyo, Taliyaha Xabsiga dhexe iyo Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Gobolka Mudug.
DHAMMAAD

