Garoowe, 15 June 2025 – Waxaa si rasmi ah maanta uga furmay magaalada Garoowe Kal-fadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Munaasabadda furitaanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, Xildhibaannada Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Duqa Garoowe, Isimo, Culimo, Diblumaasiyiin, hay’ado caalami ah, ururrada bulshada rayidka ah, saraakiil iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga, isagoo si qoto dheer uga hadlay doorka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada metelaadda shacabka, xeer-dejinta, kormeerka hay’adaha dowladda iyo horumarinta awoodda xafiisyada Golaha.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbaddiisa Dastuuriga ah ku furay si rasmi ah Kal-fadhiga 56-aad, sida ku xusan qodobka 80-aad, farqaddiisa 12-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland.
DHAMMAAD –




