Golaha Wakiillada

Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, 28 June 2025 β€” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo Golaha hortageen masuuliyiinta 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒂𝒅𝒅𝒂 𝑿𝒂𝒏𝒏𝒂𝒂𝒏𝒂𝒅𝒂 𝑿𝒐𝒐𝒍𝒂𝒉𝒂 π’Šπ’šπ’ 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒂𝒅𝒅𝒂 π‘―π’π’“π’–π’Žπ’‚π’“π’Šπ’π’•π’‚ π‘―π’‚π’˜π’†π’†π’π’Œπ’‚ π’Šπ’šπ’ π‘¨π’“π’“π’Šπ’Žπ’‚π’‰π’‚ π‘Έπ’π’šπ’”π’Œπ’‚ π‘«π’π’˜π’π’‚π’…π’…π’‚ 𝑷𝒖𝒏𝒕𝒍𝒂𝒏𝒅.

Wasiirrada, Agaasimayaasha,Xiriiriyaha Maxjarrada, Agaasime-waaxeedyada iyo xubno kale oo ka tirsan labada wasaaradood ayaa Golaha hortooda ka jeediyey warbixino ku saabsan shaqada wasaaradohooda , guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey howlaha wasaaraddahaasi u xil saaran yihiin.

DHAMMAAD –

Scroll to Top