Garoowe, 30 June 2025 โ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.
Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo Golaha hortageen masuuliyiinta ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐น๐น๐๐๐บ๐ฎ๐๐๐ถ๐ด๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ต๐ฎ๐๐ฟ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ iyo ๐๐๐ฌ๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐๐,๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐๐ Dowladda Puntland.
Wasiirrada, Agaasimayaasha, Agaasime-waaxeedyada iyo xubno kale oo ka tirsan labada wasaaradood ayaa Golaha hortooda ka jeediyey warbixino ku saabsan shaqada wasaaradohooda , guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey howlaha wasaaraddahaasi u xil saaran yihiin.
DHAMMAAD โ





