Garoowe, 13 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa sii wadista wax-ka-baddelka xeerka Tacliinta Sare ee Puntland.
Xeerkan ayaa si faah-faahsan uga hadlaya dejinta mabaadida lagu hagayo tacliinta sare, isagoo qeexaya jihada, maareynta iyo tayeynta waxbarashada heer jaamacadeed.
Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta wax-ka-baddelka xeerka Tacliinta Sare ee Puntland, Waxaa Oggol ugu codeeyay 30 mudane, cid diiday ma jirtin, halka ay ka aamuseen 4 mudane.
Ugu danbayn waxaa mudanayaasha Loo qaybiyey Wax ka bedelka Xeerka Maamulka Dakhliga kaaso horay u maray Akhrinta 1aad
DHAMMAAD –



