Garoowe, 17 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa sii wadista ka shaqeynta Hindise Xeereedka Maamulka Dakhliga Puntland.
Intaas kadib Goluhu wuxuu guda galay qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerkan, waxaana la qorsheynayaa in dooddu ay sii socoto fadhiyada soo socda.
DHAMMAAD –
Wixii faah-faahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland



