Garoowe, 19 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa sii wadista Hindise Xeereedka Maamulka Dakhliga ee Puntland.
Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Hindise Xeereedka Maamulka Dakhliga ee Puntland, Waxaa Oggol ugu codeeyay 31 Mudane, cid diiday ma jirtin, halka ay ka aamuseen 3 Mudane.
Ugu dambeyn, waxaa Mudanayaasha Golaha loo qaybiyey wax-ka-bedelka Xeerka La-dagaallanka Argagixisada, si ay xildhibaannadu ugu soo sameeyaan akhrinta 1-aad si waafaqsan Xeer Hoosaadka Golaha Wakillada.
DHAMMAAD –


