Garoowe, 24 Luulyo 2025 β Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.
Fadhiga maanta, Xildhibaannada Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ugu oggolaaday in la soo hormariyo gudbinta ππ’π¬πππ-π±π’π«π€π ππ’π’π¬πππ§π’π²ππππ ππππ.
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa hortagay Golaha, isagoo jeediyey khudbad ku saabsan Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2024, taasoo waafaqsan Qodobka 137 ee Dastuurka Puntland iyo Qodobka 64aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, kuwaas oo si cad u qeexaya habraaca gudbinta iyo ansixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda.
Intaa kadib, Xisaab-xirka waxaa lagu wareejiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka, kuwaas oo ku samayn doona akhrinta labaad. Waxaa la filayaa inay Golaha dib ugu soo celiyaan 29-ka Luulyo 2025, si dood iyo goβaan rasmi ah loogu gaaro.
DHAMMAAD β


