Galkacayo, 01, August,2025 Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland oo Markii Labaad ka Qayb Galay Shirka Horumarinta Gobolka Mudug
Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maalintii labaad si rasmi ah uga qayb galay shirka horumarinta gobolka Mudug oo ka socda magaalada Galkacyo.
Xildhibaan Cabdiwali Indhoceel iyo Xildhibaan Mowliid Abkey ayaa hadallo dhiirrigelin iyo taageero leh ka jeediyey goobta shirka, iyagoo sheegay in ay, iyaga oo matalaya Golaha Wakiillada, si buuxda u garab taagan yihiin dadaallada horumarineed ee ka socda gobolka Mudug iyo degmada Galkacyo.
Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka ayaa ballan qaaday in ay mushaharkooda bil walba qeyb ka mid ah u goyn doonaan sidii gobolka Mudug uu u noqon lahaa mid horumar ballaaran ku tallaabsada. Tani waxay tusaale u tahay hoggaan dhab ah oo ka go’an in ay qayb ka noqdaan horumarka deegaanka.
Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay bulshada gobolka iyo madaxda deegaanka ku doonayaan in lagu horumariyo adeegyada bulshada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta midnimada shacabka Mudug.
DHAMMAAD –




