Golaha Wakiillada

Amniga arrimaha gobolka Nugaal.

๐‘ฎ๐’‚๐’“๐’๐’๐’˜๐’† 15: ๐‘บ๐’†๐’‘๐’•๐’†๐’Ž๐’ƒ๐’†๐’“, 2025: – Guddiga gaarka ah ee uu ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐‰๐จ๐จ๐ ๐ญ๐š๐๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ u xil-saaray ๐’‚๐’“๐’“๐’Š๐’Ž๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘จ๐’Ž๐’๐’Š๐’ˆ๐’‚ ๐‘ฎ๐’๐’ƒ๐’๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ต๐’–๐’ˆ๐’‚๐’‚๐’ ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay ๐‚๐ฎ๐ช๐š๐š๐ฌ๐ก๐š iyo ๐๐š๐›๐š๐๐จ๐จ๐ง๐ง๐š๐๐š Gobolka Nugaal. Kulanka oo uu shir-guddoomiyey ๐‘ฟ๐’Š๐’๐’…๐’‰๐’Š๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’ ๐‘ฟ๐’‚๐’”๐’‚๐’ ๐‘ซ๐’–๐’„๐’‚๐’‚๐’๐’† ๐‘ช๐’‚๐’๐’Š, Guddoomiyaha ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐›๐š๐๐ ๐ž๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐ž๐ž ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐, ayaa ujeedkiisu ahaa xog-waraysi ku saabsan xaaladda Gobolka Nugaal, gaar ahaan Amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Cuqaasha iyo Nabadoonnada ayaa ka warbixiyey doorkooda ka shaqeynta horumarka iyo Nabagelyada, sidoo kale waxay warbixintooda diiradda ku saareen caqabadaha jira, waxyaabaha keenay Amnidarrada, iyagoo raaciyey talo-soojeedin la xiriirta Xoojinta Amniga caasimadda iyo la dagaalanka mukhaadaraadka iyo dilalka ku soo badanaya degmada Garoowe.

Dhinaca kale, Guddiga gaar ah ee xildhibaannada Golaha Wakiillada waxay nabadoonnada kula dardaarmeen ka qayb-qaadashada doorkooda abaabulka wacyigelinta bulshada iyo la shaqeynta hayโ€™adaha Amniga, si loo adkeeyo nabadda iyo xasiloonida Caasimadda iyo guud ahaan Gobolka Nugaal.

Ugu dambayn, xildhibaanada ayaa ku amaanay Cuqaasha iyo Nabadoonnada kaalinta ay ku leeyihiin nabadaynta beelaha iyo Ka shaqeynta Xasiloonida iyo horumarka Deegannada Puntland, tasoo ah tallaabo Wanaagsan oo mudan in la joogteeyo.

Scroll to Top