Golaha Wakiillada

Fadhiga Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada.

Garoowe, September 25, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa shir-guddoomiyey ๐™›๐™–๐™™๐™๐™ž๐™œ๐™– ๐™‚๐™ช๐™™๐™™๐™ž๐™œ๐™– ๐™…๐™ค๐™ค๐™œ๐™ฉ๐™–๐™™๐™– ๐™–๐™ ๐™š๐™š ๐™‚๐™ค๐™ก๐™–๐™๐™– ๐™’๐™–๐™ ๐™ž๐™ž๐™ก๐™ก๐™–๐™™๐™–.

Fadhiga maanta waxaa warbixin looga dhegeystey guddiga gaar ah ee guddiga joogtada ahi u xilsaaray ๐˜‚ ๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—บ๐—ป๐—ถ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—–๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐˜„๐—ฒ.

Warbixin tasoo la xiriirta waxyaabihii uga soo baxay kulamadii ay la yeesheen ๐™œ๐™ช๐™™๐™™๐™ž๐™œ๐™– ๐˜ผ๐™ข๐™ฃ๐™ž๐™œ๐™– ๐™‚๐™ค๐™—๐™ค๐™ก๐™ ๐™– ๐™‰๐™ช๐™œ๐™–๐™–๐™ก, ๐˜พ๐™ช๐™ฆ๐™–๐™–๐™จ๐™๐™– ๐™ž๐™ฎ๐™ค ๐™‰๐™–๐™—๐™–๐™™๐™ค๐™ค๐™ฃ๐™ฃ๐™–๐™™๐™– iyo sidii wax looga qaban lahaa, si loo xoojiyo sugidda Amniga caasimadda. Guddiga gaar ah ayaa sii wadidoona kulamada ay la yeelanayaan hayโ€™adaha u xilsaaran arrimaha Amniga iyo bah-wadaagtooda.

Sidoo kale, waxaa looga dhageystey warbixin madax guddiyeedyada Golaha Wakiillada, tasoo ku aaddan siyaasadda, mashaariiciida, kaabayaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada, deegaanka, xaquuqada Aaadanaha, adeegada korontada iyo Biyaha Puntland.

Intaas kadib, waxay guddiga isla qaateen in guddi gaar ah loo xilsaaro arrimaha ku saaban u kuurgelidda mashaariicda horumarinta adeegyada korontada iyo biyaha ee Puntland, si looga jawaabo cabashada dadweynaha ee korontada iyo biyaha.

Ugu dambayntii, fadhiga maanta guddigu waxay dood iyo falanqeyn ka yeesheen dar-dargelinta shaqada guddiyada, ka shaqeynta xeerarka guddiyadu ay gacanta ku hayaan, kormeerka gobollada iyo u diyaargarowga kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada.

DHAMMAAD โ€“

Scroll to Top