Bursaalax 05 Octoobar 2025: Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka Shaqo ku maraya Gobollada Nugaal iyo Mudug ayaa galabta kulan la qaatay Maamulka iyo Shacabka Bursaalax ee Gobolka Mudug.
Xildhibaannada ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay Maamulka Degmada, taasoo la xiriirta horumarka iyo caqabdaha jira, iyagoo sheegay in caqabada ugu weyn ee wakhtigan ka jirta magaalada ay tahay aanooyinka qabiilka, islamarkaana looga baahan yahay in Dowladda, isimada iyo aqoonyahanka reer Puntland ay u istaagaan sidii xal rasmi ah looga gaari lahaa arrintan.
Sidoo kale, qaar kamid ah dadkii kasoo qayb galay madasha oo isagu jiray odoyaal, haween iyo dhalinyaro ayaa iyaguna isku raacay in caqabadan taagan siwadajir ah wax looga qabto.
Ugu damneyn, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa sheegay in Shacabka Bursaalax ay u istaagaan xal u helidda Amniga iyo ilaalinta xasiloonida deegaanka, waxayna intaas raaciyeen in ay dowladda wadaagi doonaan hay’adaha ay khuseyso si wax looga qabto, islamarkaana ay soo saari doonaan baaq u gaar ah xaaladda Bursaalax ee joojinta aanooyinka.
Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dedaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo xiriirka tooska ah ee kala dhexeeya bulshada Puntland.
DHAMMAAD โ


