Golaha Wakiillada

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland qaar ka mid ah ayaa kormeer shaqo ku maraya Gobolka Bari.

Kobdhexaad 5 Oct 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Bari ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay waxgaradka deegaanka kobdhexaad ee degmada Ufayn.

Kulankan waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Deegaan Kobdhexaad, odayaasha dhaqanka, iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isxogwaraysi ku saabsan baahiyaha deegaanka iyo caqabadaha ku gedaaman iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Bulshada deegaanka Kobdhexaad ayaa si diirran u soo dhoweeyay wafdiga, waxayna ka codsadeen in ay door firfircoon ka qaataan u qareemidooda bulshada ay wakiilka u yihiin si wax looga qabto baahiyaha kala duwan ee jira.

Bulshada deegaan ayaa dhankooda xusay in ay diyaar u yihiin ka qeygalka horumarinta deegaanka.

Intaas xilibaanada ayaa kormeer ku tagay iskuulka iyo Cisbtaalka deegaanka, iyagoo warbixin ka dhegeysty waxqabadka bahda caafimaadka iyo waxbarashada ,taasoo la xiriirtey horumarka la sameeyey iyo baahiyaha jira sidii wax looga qaban lahaa.

DHAMMAAD –

Scroll to Top