Golaha Wakiillada

Guddiga ka socda golaha wakiillada ayaa kulan la yeeshay maamulka,odayaasha iyo shacabka Degmada Goldogob

Goldogob 07 Octoobar 2025: Guddiga ka socda Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka ku maraya Gobolada Nugaal iyo Mudug ayaa galabta kulan la qaatay Maamulka iyo Shacabka degmada goldogob ee Gobolka Mudug.

Xildhibaannada ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay Maamulka Degmada, taas oo la xiriirta horumarka iyo caqabdaha jira, iyagoo sheegay in degmadu ku talaabsatay mudadii labada kalfadhi u dhaxaysay shaqooyin badan una qabsoomeen wax la taaban karo , sidoo kale waxay xuseen in lagama maarmaan tahay in hawlaha hormarintu sii socdaan lagana wada shaqeeyo shacab iyo dowladba.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in xildhibaanada iyo maamulku si wadajir ah u kormeeraan xarumaha shacabka loogu adeego iyo guud ahaan magaalada goldogob wixii kasoo baxana ay la wadaagi doonaan hay’addaha ay khusayso si wax looga qabto.

Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo xiriirka tooska ah ee kala dhexeeya bulshada Puntland.

DHAMMAAD –

Scroll to Top