Baargaal, 8 Oktoobar 2025 – Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku jooga gobollada Bari iyo Raasasaayr ayaa maanta kormeer iyo u kuurgal ku sameeyey xarumaha dowladda iyo kuwa arrimaha bulshada ee degmada Baargaal.
Guddigan oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobolka iyo Maamulka Degmada Baargaal ayaa booqday xarumo ay ka mid yihiin Cisbitaalka guud ee degmada, Dugsiga Sare, Xarunta Agoonta, Saldhigga Booliska iyo Xarunta Dawladda Hoose
Intii uu socday kormeerka, mas’uuliyiinta xarumahaasi waxay guddiga la wadaageen warbixino ku saabsan baahiyaha ka jira, caqabadaha ay la tacaalayaan iyo horumarka laga gaaray adeegyada bulshada.
Dhanka kale, Guddiga ayaa sidoo kale ka qayb galay munaasabad lagu dhagax dhigay Jaamacadda Raasasaayr oo laga hirgelinayo degmada Baargaal, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo waxbarashada sare ee gobolka.
DHAMMAAD



