Golaha Wakiillada

๐€๐ช๐จ๐จ๐ง-๐ข๐ฌ-๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐—๐ข๐ฅ๐๐ก๐ข๐›๐š๐š๐ง๐ง๐š๐๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said ayaaa Furay Kulan Aqoon iswaydaarsi ah oo Loo qabtay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada,Xogyaha guud iyo hawl-wadeenada Golaha,Kulankas ayaa lagu qaadanayay casharo ku saabsan isla xisaabtanka iyo kor joogtaynta Hay’adaha dawladda, xoojinta xiriirka dadweynaha iyo u dhowaanshaha Dadwaynaha ay Goluhu metelaan.

Aqoon-isweydaarsigaas oo mudadiisu ahayd saddex maalmood,ayaa waxaa bixiyay Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka dalka Kenya, kana mid ah khubarrada ku takhasustay arrimaha Baarlamaanada.

Ugu dambayn, khabiirrada bixiyay ayaa booqday Xarunta Golaha Wakiillada si ay u soo indha-indheeyaan qaab-dhismeedka iyo hab-raacyada shaqo ee Golaha.

Scroll to Top