Garowe, 25 Oktoobar 2025- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa goob joog ahaa Furitaanka Kal-fadhiga 57-aad Ee Golaha.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka H.E Ilyas Osman Lugatoor, Xildhibaannada Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer ilaaliyaha Guud, Xubno katirsan Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Duqa Garoowe, Isimo, Culimo, hayโado caalami ah, ururrada bulshada rayidka ah, saraakiil iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga, isagoo si qoto dheer uga hadlay Waxqabadkii Golaha ee mudada labada kala fadhi,doorka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada metelaadda shacabka, xeer-dejinta, kormeerka hayโadaha dowladda iyo samaynta korjoogtaynta iyo gaarista Dadweynaha iyo qorshasha kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka horjeediyey Golaha waxqabadka Xukuumadda muddadii u dhaxayasey labada kalfadhi, islamarkaana si rasmi u furay Kal-fadhiga 57-aad, sida ku xusan qodobka 80-aad, farqaddiisa 12-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland.
DHAMMAAD โ







