Golaha Wakiillada

Fadhiga 13-aad ee kalfadhiga 57-aad ee golaha wakiillada Puntland.

π†πšπ«π¨π¨π°πž, 18 ππ¨π―πžπ¦π›πžπ« πŸπŸŽπŸπŸ“ – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay π…πšππ‘π’π πš 13-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha fadhigan ayaa ahaa sii wadista ka shaqaynta Xeerka Xabsiyada Puntland.

Xildhibaannada Golaha ayaa si qodob-qodob ah u guda galay 𝐝𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚, 𝐰𝐚𝐱-𝐀𝐚-π›πžπππžπ₯𝐀𝐚 𝐒𝐲𝐨 π€πšπšπ›π’π¬π­πš Xeerkan.

Intaas ka dib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Xeerka Xabsiyada Puntland waxaa Oggol ugu codeeyay 42 mudane, waxaa diiday 0 Mudane, halka ay ka aamuseen 4 Mudane.

Ugu dambayn, Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga aiyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada ayaa golaha la wadaagay warbixin ku saabsan Qabyo qoraalka Hindise Xeereedka Dhawridda Tayada Puntland oo goluhu curiyey, kadib hindise xeereedka ayaa loo qeybiyey Golaha si ay ugu sameeyaan akhrin 1-aad, waxaana la isugu soo noqonaynaa khamiista 20/11/2025.

-DHAMMAAD-

Scroll to Top