πππ«π¨π¨π°π, 20 ππ¨π―ππ¦πππ« ππππ β Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay π πππ‘π’π π π4-πππ ππ πππ₯ππππ‘π’π π ππ-πππ ee Golaha Wakiillada.
Xildhibannada Golaha Wakiillada waxaa warbixin la wadaagay Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha oo gacanta ku haya Hindise-xeereedka dhawridda Tayada, iyagoo faah-faahin ka bixiyey ujeeddada Hindisahan iyo geedi socodsiika. Guddiga hawlaha guud iyagoo ka duulaya goβaankii Golaha Wakiillada Kalfadhiga 54-aad iyo cabashada shacabka waxay sameeyaan u kuurgelidda baahida jirta iyo sidii xal loogu helihaaa, waxayna diyaariyieen, waxayna soo diyaariiyeen hindisaha dhawridda Tayada oo Golaha loo qeybiyey fadhigii hore.
Intaas kadib, xildhibaannada su’aalo ka weydiiyey guddiga Ujeeddooyinka Hindise Xeereedkan, habraaca Xeer-dejinta iyo waafaqsanaanta Dastuurka iyo xeerarka kale ee Puntland.
Ugu dambayn, dood iyo falaqeyn dheer kadib, Hindise Xeereedka ayaa lagu wareejiyey guddiga Hawlaha Guud, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqalaaha si ay ugu sameeyaan akhrinta labaad islamarkaana latashi kala sameeyaan daneeyayaasha Hindise Xeereedkan,waxayna Golaha dib ugu soo celinayaa Maalinta Isniinta oo ku beegan 24.11.20225 haddii Alle idmo.



