Golaha Wakiillada

Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha ayaa la yeeshay kulan wadatashi Madaxweynaha Dowlada Puntland

Garoowe : 06 January 2026: Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha, ayaa caawa ka qayb galay kulan wadatashi iyo is-xogwareysi ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Luagatoor.

Kulanka ayay uga wada hadleen guud ahaan xaaladda Soomaaliya, doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo Isbedelka ka socda Gobolka.

Waxaa kulanka ku weheliyay Senator Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Ahna Senator ka tirsan Aqalka Sarre ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, qaar ka mid ah Xildhibaannada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

– DHAMMAAD-

Scroll to Top