Garowe, 19 Janaayo 2026- Guddiga Gaarka ah ee Guddiga Joogtada Golaha Wakiilladu u xil saaray u kuurgeliddaa xaaladda Abaaraha ka jira deegaannada Puntland ayaa kulan la qaatay Guddiga Abaaraha qeybta Isku-dubaridka gargaarka iyo xog uruurinta.
Ujeeddada ahayd in xildhibaannu warbixin ka helaan qorshahaha hay’adaha dawladda ee ku aaddan taakulaynta dadka iyo duunyada abaartu saamaynta iyo sida ugu habboon oo loo midaynkaro shaqooyinka loona dar-dargelinkaro.
Kulanka oo ka dhacay Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Puntland, waxaa warbixin dhammaytiran looga dhageystey wixii u qabsoomay muddaddi ay shaqada Gacanta ku hayeen Guddiga iskudubbaridka Gar-gaarka iyo Xog-ururinta, warbixintaasoo ku saabsaynayn xaaladda dhabta deegaannda sida ay u kula daran yihiin, xogaha laga soo ururiyey deegaannda Puntland, qeybaha ay isugu jiraan taakulaynta dadka la gaarsiiyey, qorshaha lagu hawlgeliyo iyo kulamada kale ay la qaateen hay’adaha bah-wadaagta la ah Wasaaradda Gar-gaarka dawladda Puntland.
Intii kulan socdey Guddiga Abaaraha ayaa warbixinta ku daray qorshahooda shaqo iyo caqabadaha jira sidii si wadajir ah wax looga Qaban lahaa, si gurmad loogu fidiyo dadka guuraaga ah ee waxyeelladu ka soo gaartey abaarta, islamarkaana qorshe mideysan loo samayn lahaa.
Intaa kadib xildhibaannada guddiga Hay’adaha dawladda waxay su’aalo ka weydiiyeen warbixintii ay la wadaageen, iyagoo talo ku biiriyey kulana dar-daarmay in lalaba jibaaro shaqada ay guddiga xukuumadu u xilsaartay Abaaraha iyo jawaab ka bixinta arrimaha taagan.
DHAMMAAD




