Garowe, 28 Janaayo 2026- Guddiga Gaarka ah ee uu Goluhu u xilsaaray soo aruurinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo sii wada shaqadoodi ayaa maanta kulan la qaatay Wasaaradda Qorshayanta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah.
Guddigi wuxuu Wasaaradda wax ka waydiiyey qorshaha uga yaal horumarinta dhaqan-dhaqaale ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo arrimaha kale ee la xiriira shaqada Wasaaradda ee khuseeya dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Guddigu ayaa u kuurgal Si ay wax uga ogaadaan Qorshayaasha uga digsan dadka baahiyaha gaarka qaba Si ay uga mid noqdaan Qorshayaasha soo socda ee Wasaaraddu dejiso.
Guddigu waxa ay xuseen in xogtan ay muhiim u tahay diyaarinta talooyin iyo go’aanno wax ku ool ah oo Golaha lagu horgeyn doono.
DHAMMAAD



