Golaha Wakiillada

Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Garowe, 29 Janaayo 2026- Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta booqasho shaqo ku tegey Xarunta Taliska Booliska Puntland.

Booqashadan ayaa qeyb ka ahayd kormeerka shaqo ee guddigu ku qiimeynayo xaaladda amniga iyo howlaha kala duwan ee hay’adaha amniga Puntland.

Guddiga ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, kaas oo ay uga dhageysteen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee amniga, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha horumarineed ee ciidanka Booliska.

Ugu dambeyn, Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ayaa bogaadiyey dadaalka ay ciidanka Boolisku ku bixiyaan ilaalinta amniga, iyaga oo ballanqaaday inay taageero sharci iyo mid talo-ba la garab istaagi doonaan hay’adaha amniga Puntland.

DHAMMAAD

Scroll to Top