Golaha Wakiillada

Gudiga gaarka ah ee soo ururinta iyo diiwangelinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Garowe, 1 Febraayo 2026 – Guddiga Gaarka ah ee uu Golaha Wakiilladu u xilsaaray soo ururinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa maanta sii waday hawlahooda shaqo. Guddigu waxa uu kulan wadatashi ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Masuuliyiinta Xarunta Dhagoolayaasha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xog dhammeystiran oo ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha Wasaaradda Caafimaadku uga degsan yihiin wax ka qabashadooda.

Xubnaha guddiga ayaa carrabka ku adkeeyay in helitaanka xog sax ah oo la isku halayn karo ay tahay tiir-dhexaadka diyaarinta talooyin iyo go’aanno wax ku ool ah oo mustaqbalka lagu horgeyn doono Golaha Wakiillada, si loo horumariyo adeegyada loo fidiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

DHAMMAAD

Scroll to Top